Hargeysa-Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐌𝐚𝐰𝐥𝐢𝐢𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢, ayaa furay kulan-hawleed muhiim ah oo loo qabtay Waaxda Baadhista Gudaha, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta habraacyada shaqo iyo horumarinta waxqabadka waaxda.
Kulankan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay marxaladaha kala duwan ee howlaha baadhista gudaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.Qodobada muhiimka ah ee lagu gorfeeyay kulanka waxaa ka mid ahaa:
1. Dajinta qorshe-hawleedka Waaxda (Planning):Waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay dejinta qorshe-hawleed cad oo qeexaya yoolalka, mudnaanta, iyo habraacyada lagu hagayo howlaha waaxda, si loo gaadho natiijooyin la taaban karo.
2. Tagista goobaha baadhista (Fieldwork):Waxaa la adkeeyay in howlaha baadhista lagu saleeyo xog dhab ah oo laga soo ururiyo goobaha shaqo, si loo xaqiijiyo saxnaanta iyo hufnaanta macluumaadka la helayo.
3. Diyaarinta warbixinaha (Reporting):Kulanka ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay soo saarista warbixino tayo leh, oo u muujinaya natiijooyinka baadhista, talooyinka, iyo meelaha u baahan hagaajinta.
4. Dib-u-eegista (Follow-up):Waxaa sidoo kale la isla gartay in la xoojiyo habka dabagalka, si loo hubiyo in talooyinka iyo sixitaannada la soo jeediyay si wax ku ool ah loo fuliyo.Ugu dambayn.
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Md. Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi ayaa ku boorriyay masuuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Waaxda Baadhista Gudaha, in ay muujiyaan karti, daacadnimo, iyo masuuliyad, isaga oo carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee ay waaxdu ka qaadato ilaalinta nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo kobcinta kalsoonida hay’adaha dowliga ah.
Kulankan oo daba-socday tabobar looqabtay saraakiisha waaxda baadhista gudaha ayaa la filayaa inuu sare u qaado tayada shaqo ee Waaxda Baadhista Gudaha, isla markaana xoojiyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta.



