Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la Kulmay Ururrada Warbaahinta.

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, oo ay weheliyaan Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud, ayaa kulan wada-tashi ah la qaatay ururrada warbaahinta Somaliland ee SOLJA, WIJA iyo FIMA.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Wasaaradda iyo ururrada warbaahinta, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay dardargelinta ansixinta xeerka saxaafadda ee horyaalla Golaha Wakiillada, iyo sidoo kale iskaashiga qabanqaabada munaasibadda 18-ka May ee soo socota.

Sidoo kale, waxa la isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqaynta ku aaddan difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadaallada aqoonsi raadinta.