Ted Cruz oo Sheegay in Somaliland Muhiim u Tahay Amniga Maraykanka.

Washington-Senator Ted Cruz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka, isla markaana si dhow ula shaqeeya Madaxweyne Donald Trump, ayaa si cad u muujiyey muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay amniga qaranka Maraykanka.

Isagoo ka hadlayey fadhi ay Guddiga Arrimaha Dibedda ee Golaha Senate-ka kaga doodayeen xaaladda Afrika, ayuu Cruz sheegay in Somaliland ay tahay xulafo muhiim ah oo la isku halayn karo, gaar ahaan xilli ay sii kordhayso saamaynta Shiinaha ee gobolka Geeska Afrika.

Senator Cruz ayaa tilmaamay in Somaliland ay si cad ula safatay dalal ay ka mid yihiin Taiwan iyo Israaโ€™iil, kuwaas oo uu sheegay inay wadaagaan danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanka, taas oo muujinaysa doorka siyaasadeed ee Somaliland ku leedahay gobolka.

Waxa kale oo uu muujiyey rajo xooggan oo ku aaddan in Madaxweyne Donald Trump uu aqoonsan doono Jamhuuriyadda Somaliland ka hor dhammaadka muddadiisa xilka, isagoo aaminsan in tallaabadaasi ay si weyn u xoojin doonto danaha amniga qaranka Maraykanka.

Sidoo kale, Cruz ayaa si gaar ah u xusay doorka Shiinaha iyo sida uu uga falceliyey arrimaha Somaliland, isaga oo arrintaas u arkay daliil muujinaya muhiimadda sii kordhaysa ee Somaliland ku leedahay siyaasadda caalamiga ah.