Hargeysa-Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in tirada dadweynaha reer Somaliland ee ku sugan gudaha dalka ay gaadhayso ku dhawaad 6.3 milyan qof, taas oo muujinaysa korodhka tirada bulshada iyo baahida sii kordhaysa ee adeegyada aasaasiga ah.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagtay in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo shacabka ku dhaqan gudaha dalka.
Wasiirku waxay xustay in xogta hadda la hayo ay tahay qiyaas, isla markaana ay jirto baahi weyn oo loo qabo tiro-koob dhab ah oo lagu kalsoonaan karo.
Waxay tilmaantay in helitaanka tiro-koob sax ahi uu door muhiim ah ka qaadanayo qorsheynta horumarinta dalka, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada, qaybinta kheyraadka, iyo dejinta siyaasadaha mustaqbalka.
Sidoo kale, waxay sheegtay in xogta saxda ahi ay saldhig u noqon karto kobaca dhaqaalaha, isla markaana fududayn karto in la helo qorsheyaal wax ku ool ah oo dalka lagu horumarinayo.
Ugu dambayn, Xukuumaddu waxay muujisay in dadaallada lagu xaqiijinayo tiro-koob qaran oo sugan ay yihiin kuwa mudnaan gaar ah leh, si loo helo xog dhab ah oo horseedi karta horumar waara iyo adeegyo hufan oo bulshada loo gaadhsiiyo.

