Addis-Ababa- Shir aqoon-iswaydaarsi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa intii u dhexaysay 20–21 Abriil 2026.
Shirkan waxaa soo qabanqaabisay London School of Economics and Political Science, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee la xidhiidha maalgelinta caafimaadka, xeerarka caafimaadka, iyo maamul-daadejinta adeegyada caafimaadka.
Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday labada wasaaradood ee caafimaadka Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo ay sidoo kale ka soo qaybgaleen wakiillo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, xubno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Ururka Dhakhaatiirta Somaliland.
Intii uu shirku socday, waxa la isweydaarsaday khibrado iyo xog ku saabsan hababka casriga ah ee lagu horumarin karo maalgelinta caafimaadka, dejinta iyo hirgelinta xeerarka caafimaadka, iyo sidoo kale maamul-daadejinta adeegyada caafimaadka.
Labada dhinac ayaa si gaar ah u wadaagay qaab-dhismeedka iyo nidaamyada ay u adeegsadaan maaraynta iyo maalgelinta adeegyada caafimaadka, iyagoo ujeeddadoodu tahay xoojinta iskaashiga, is-barashada, iyo horumarinta hannaanka guud ee adeegyada caafimaad ee labada dal.


