Wasaaradda Beeraha Oo 1000KG Oo Shini Ah Kala Wareegtay Safaaradda Taiwan Ee Somaliland.

Gabiley- Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL, ayaa Safaaradda Taiwan, gaar ahaan qaybta mashaariicda ee ICDF kala wareegtay shini ama abuur cadaddkiisu gaadhayo 1000KG.

Shinidan ama abuurkan oo ah ooca firilayda, gaar ahaan Arabikhida ama galayda (maize), gaar ahaan nooca loo yaqaano “Casayda”, ayaa loogu talo galay in ay beeralaydu u isticmaasho shini ahaan xiligan oo ay roobabka gu’gu ka curteen dalka.

Abuurka ayaa la mariyay shaybaadhka Wasaaradda Beeraha, iyadoo heerka biqlidiisa iyo caafimaadkiisaba la hubiyay, isagoo marka horena ahaa shinidii dalku lahaan jiray (Local Seed).

La wareegidda ka dib, Wasaaradda Beeraha iyo Taiwan oo iskaashanaya ayaa Maanta bilaabay beer tusaaleed loogu talagalay in abuurkana ama shinidan lagu tarmiyo, si Hadhow looga soo saaro abuur ku filan dhammaan gobollada Somaliland.

Munaasibadda lagu wareejiyey Siidhkan oo ka qabsoontay gobolka Gabiley, ayaa waxa hadallo ka soo jeediyey Agaasimaha Abuur-badinta Wasaaradda Beeraha Khadar Mawliid, Agaasimaha fidinta Axmed Nuur Aadan, Agaasimaha wax soo-saarka Farxaan, Isku-duwaha gobolka Gabiley iyo madax ka socotay Taiwan.