Boorame-Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw-Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay 14 waddo oo laami casri ah iyo Taallada taariikhiga ah ee Imaam Axmed-Gurey, kuwaas oo ay hirgelisay Dawladda Hoose ee Boorame.
Sidoo kale, Madaxweyne Ku-Xigeenku waxa uu dhagax-dhigay 8 waddo oo cusub oo laga hirgelinayo badhtamaha suuqa Boorame, kuwaas oo isku xidhaya waddooyinka waaweyn ee magaalada, isla markaana kor u qaadi doona isku socodka gaadiidka iyo adeegyada bulshada.
Munaasibadda daah-furka oo ka dhacday barxadda Taallada iyo Kheyriyada magaalada Boorame, waxa ka qaybgalay masuuliyiin heer qaran iyo heer gobol ah, oo ay ka mid yihiin Duqa Boorame, Maxamuud Sh. Ibraahim Muuse, iyo masuuliyiin kale.
Duqa magaalada Boorame Maxamuud Sh. Ibraahim Muuse ayaa sheegay in mashaariicdan ay qayb ka yihiin qorshahooda la magac baxay “Boorame Bilicsan,” isla markaana ay wax weyn ka tari doonaan bilicda, horumarinta kaabeyaasha iyo qiimaha taariikheed ee magaaladaas.
Maamulka gobolka Awdal ayaa si weyn u bogaadiyey dedaalka horumarineed ee Dawladda Hoose ee Boorame.
Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa dawladda Hoose ee Boorame ku ammaanay dedaalka iyo horusocodka ay ka samaysay dhinaca casriyaynta Jidadka Magaalada.
Waxaanu ballan qaaday in Xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay dawladda hoose ka saacido qorshaha horumarinta magaalooyinka.




