Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qabatay Shir lagu Xoojinayso Wada-shaqeynta Hay’adaha Dawladda.

Hargeysa-Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta qabatay kullan heerkiisu sarreeyo, kaas oo lagu xoojinayo wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay’addaha kale ee dowladda Somaliland, si loo mideeyo fariimaha ka baxaya hay’addaha xukuumadda, loogana fogaado fariimaha kala geddisan ee gaadhaya dunida.

Kullankan ayaa ah mid saddex bilood le loo qabto.Kullankan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday wasaaraddaha iyo hay’addaha kala duwan ee dalka sida; arrimaha gudaha, macdanta iyo tamarta, horumarinta biyaha, warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, horumarinta maalgashiga, maaliyadda, komiishanka maamul wanaagga iyo hay’adda socdaalka jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddada kullanka ayaa ahayd in la adkeeyo wada shaqaynta hay’addaha xukuumadda iyo wasaaradda arrimaha dibedda si loo mideeyo fariimaha ay hay’addaha dowladdu u gudbiyaan caalamka, isla markaana la horumariyo hababka wada shaqayneed ee ku dhisan is fahanka iyo sharciga, yadoo la xoojinayo lana adkaynayo xidhiidhadha hay’addaha si looga fogaado dib-u-dhac shaqo iyo jahwareerka fariimaha gudbaya, loona sugo xogta dawladda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa furitaanka kullanka ka sheegay in wasaaraddu ay leedahay door hoggaamineed oo ku aaddan isku xidhka iyo hagidda hawlaha arrimaha dibedda ee hay’addaha dowladda, sidoo kale waxa uu xusay agaasimaha guud in kullamada noocan ahi ay yihiin kuwo joogto ah, isla markaanna la qaban doono saddexdii bilood ba mar sannadkii, si loo xoojiyo wada shaqaynta iyo is-afgaradka hay’addaha dawladda Somaliland.

Ugu dambayntii agaasimaha guud ayaa Wasaaraddihii ka soo qayb galay uga mahadceliyay sidii milgaha lahayd ee ay shirkan u soo ajiibeen.

Intii shirku socday, waxaa si qoto dheer looga doodday qaababka ugu habboon ee hay’addaha dowladdu ula shaqayn lahaayeen wasaaradda arrimaha dibedda gaar ahaan marka ay timaado fariimaha iyo xogta dibedda hay’adduhu u dirayaan iyo xidhiidhada caalamiga ah ee ay samayanayaan.

Waxaa sida oo kale la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la helo fariin mideysan oo ka turjumaysa danaha qaranka.

Kulankan ayaa lagu soo gunaanaday dood furan oo lagu lafo-guray caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo wada shaqaynta hay’addaha dowladda.

Masuuliyiintii ka qayb gashay kulanka ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay xoojiyaan iskaashiga, si loo helo dawladnimo isku duuban oo si hufan ugu shaqaysa danaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii wasaaradda arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan hay’addihii ka soo qayb galay shirka sida sharafta leh ee ay uga soo qayb galeen, waxayna ku boorinaysaa in la sii xoojiyo wada shaqaynta si loo gaadho himilooyinka qaran iyo hirgalinta dawladnimo meel u wada socota.

Sidoo kale waxay ballan qaaday inay joogtaynayso kullamada noocan ah,daba galna lagu samaynayo waxyaabaha shirkan ka soo baxay sidii ay u fuli lahaayeen.