Danjire Maxamed XaajiHargeysa-Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Israa’iil, Danjire Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in Somaliland ay doonayso inay ka mid noqoto dalalka hormuudka u ah go’aan-qaadashada caalamka.
Safiirku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu xusay inay dunida ka jiro tartan xoog lihi.
Danjire Maxamed Xaaji wuxuu caddeeyay in kasta oo Somaliland tahay dal yar, hase yeeshee, ay ku dedaalayso difaaca danaheeda iyadoo adeegsanaysa ahmiyadda juqraafiyaddeeda, kartideeda iyo adkaysigeeda oo ay ku gaadhay horumar muuqda.
Danjiraha ayaa hoosta ka xarriiqay in himiladu tahay in Somaliland fadhiisato miiska talada caalamka Laga jaan-gooyo, isaga oo bulshada ugu baaqay inay yeeshaan aragti caalami ah.

