Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Ahmiyadda Dhir beerista.

Hargeysa- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), ayaa si qoto dheer u iftiimiyey ahmiyadda ay leedahay dhir-beeristu, xilli uu ka qayb galay munaasibadda xuska Maalinta Qaranka ee Dhir-beerista Somaliland, taas oo qayb ka ah dedaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo horumarinta muuqaalka dalka.

Wasiir Barkhad waxa uu tilmaamay in dhir-beeristu tahay tiir muhiim u ah ilaalinta deegaanka, yaraynta saamaynta isbeddelka cimilada, iyo kor u qaadidda bilicda guud ee dalka, taas oo xoojin karta fursadaha dalxiiska iyo dhaqaalaha.

Ugu dambayn, Wasiir Barkhad Batuun ayaa Alle ka baryay in Somaliland noqoto dal cagaaran oo qurux badan, isla markaana soo jiita dalxiisayaasha caalamka.