Hargeysa-Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo uu si qoto dheer ugu kuurgalay heerka iyo tayada adeegyada caafimaad ee uu cisbitaalku siiyo bulshada.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ahaa dedaallada lagu qiimaynayo xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray baahiyaha jira iyo caqabadaha weli taagan.
Ujeeddada Kormeerka Wasiirka madaxtooyadu waxay ahayd in la xoojiyo daryeelka caafimaad ee shacabka, lana hubiyo in bulshada ku nool caasimaddu ay helaan adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh, isla markaana waafaqsan baahiyahooda.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiir Khadar Xuseen waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada cisbitaalka, kuwaas oo ka xog-warramay xaaladda adeegyada, agabka caafimaad, iyo baahiyaha mudnaanta u leh horumarinta xarunta Cisbitaalka Guud.
Dhanka kale, Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sidoo kale kormeer ku sameeyey dhismaha Cisbitaalka Taiwan, oo ah mashruuc muhiim u ah horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in dhismahaasi si wanaagsan u socdo, isla markaana uu marayo heerar rajo leh oo muujinaya horumar muuqda.



