Agaasimaha Arrimaha Dibadda oo Ku Baaqay Xoojinta Wada-shaqaynta Hay’adaha Dowladda.

Hargeysa-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa hay’adaha dawladda ugu baaqay inay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo isku-duubnida, si looga hortago kala tafaraaruqa hay’adaha kala duwan ee dowliga ah.

Agaasimaha ayaa caddeeyay in dawladdu tahay hal nidaam oo mideysan, isla markaana ay muhiim tahay in hay’aduhu iska kaashadaan gudashada waajibaadkooda, halkii ay ku tartami lahaayeen hawlaha ay hayaan.

Agaasime Maxamed Cabdiraxmaan wuxuu xusay in is-kaashi dhab ahi uu saldhig u yahay dawladnimo hufan oo wax-ku-ool ah.

Dhanka kale, Agaasimaha ayaa tilmaamay in aanay habboonayn in hay’adaha dawladda ay warbaahinta isku mariyaan farriimo, isagoo ku baaqay in arrimaha noocaas ah lagu xalliyo hannaan rasmi ah iyo xafiisyada ku shaqada leh, si loo ilaaliyo nidaamka, wadajirka iyo sumcadda dowladnimada.