Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Shirguddoomiyey Kulanka Guddida Hawlaha.

Hargeysa-Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa maanta shirguddoomiyey kulanka Guddida Hawlaha Golaha (Business Committee).

Kulankan, oo ahaa kii ugu horreeyay ee ay guddidu qabato kaddib isku shaandhayntii uu sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta hawlaha iyo dejinta qorsheyaasha shaqo ee muddada soo socota.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay habsami-u-socodka shaqooyinka guddida, isku dubaridka hawlaha Golaha, iyo dardargelinta waajibaadka loo igmaday.

Sidoo kale, xubnaha guddidu waxay isla qaateen in la xoojiyo wada-shaqaynta, hufnaanta, iyo dedejinta hawlaha Golaha si loo xaqiijiyo fulinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo waafaqsan waajibaadka Golaha Wakiillada JSL.