Hargeysa Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay inuu soo ifbaxayo nidaam cusub oo caalami ah oo siyaasaddeed, kaasi oo salka ku haya isbeddello ka dhashay dagaalkii bariga dhexe, isla markaana si gaar ah u muujinaya muhiimada istaraatiijiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan marin-biyoodka Badda cas iyo goobaha isku xidha ganacsiga caalamka.
Afhayeenka ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA) ku sheegay in dagaalkii Iiraan ee bilowday 28 Feberweri 2026 uu adduunka geliyay marxalad cusub oo aan deganeyn, isla markaana burburisay nidaamkii hore ee dheelitirka caalamiga ahaa.
Xuseen Deyr waxa uu iftiimiyay in colaada bariga dhexe oo markii hore loo arkayay mid kooban uu isu beddelay qalalaase daba-dheeraaday oo si toos ah u beddelaya qaab-dhismeedka awoodda caalamka.
Mr. Deyr waxa uu tibaaxay in xulafadii soo jireenka ahayd sida NATO ay wajahayaan dhibaatooyin iyo kala qeybsanaan gudaha ah, taasoo keentay in ay soo baxaan isbahaysiyo cusub oo ku dhisan dano istiraatiiji ah.
Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyey in tartanka cusub ee caalamka uu salka ku hayo awoodda lagu maamulo marinnada ganacsiga ee muhiimka ah, sida Khaliijka, marinka Hormuus, Gacanka Cadmeed, Badda Cas, Bab al-Mandab iyo marinno kale oo caalami ah.
Xuseen Deyr wuxuu intaas raaciyay in isbeddelladan cusub ay si cad u muujinayaan muhiimadda istaraatiijiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku taalla marin muhiim ah oo ka mid ah waddooyinka ganacsiga caalamka, taasoo uu ku sifeeyay inay ka dhigeyso meel awood istiraatiiji ah leh oo muhiim u ah amniga iyo isu socodka ganacsiga adduunka.

