Wasaaradda Ganacsiga oo Hargeysa ka Fulisay Tababarka Ganacsatada yar yar.

Hargeysa-Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta Magaalo Digaale ka daah-furtay barnaamij lagu xoojinayo akhris-qoraalka ganacsatada yaryar.

Barnaamijkan waxa furay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ganacsiyada Yaryar, ee Wasaaradda Ganacsiga Axmed Maxamed Cabdillaahi, waxaana uu sidoo kale ka qaybgalayaasha ku wareejiyey agab waxbarasho.

Barnaamijka ayaa si gaar ah diiradda u saaraya haweenka ganacsatada yaryar, iyadoo si wadajir ah ay u fulinayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Waxbarashada.

Waxa furitaankii tabobarkaas ku sugnaa Agaasime-ku-xigeenka Waxbarashada Dadban, Maxamed Axmed Cali.

Daraasad ay samaysay Wasaaradda Ganacsigu ayaa hore u muujisay in ku dhawaad 80% ganacsatada yaryar aanay wax akhrin waxna qorin, taas oo saameyn ku yeelatay horumarkooda.