Wasiirka Tamarta JSL oo Lughaya Ka Dhagax-dhigay Mashaariic Horumarineed.

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa degmada Lughaya ka dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo door weyn ka qaadanaya adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Wasiirka oo safar shaqo iyo arrimo nabadeed u joogay gobollada galbeedka Somaliland, isla markaana ka qayb galay shirar lagu xoojinayay nabadda iyo wadajirka bulshada, ayaa intii uu ku sugnaa degmada Lughaya si rasmi ah u daah-furay hirgelinta mashaariic istiraatiiji ah.

Mashaariicda uu wasiirku dhagax-dhigay ayaa si toos ah u taabanaya nolosha bulshada, waxaana ka mid ah koronto siinta Cisbitaalka Degmada Lughaya, dhismaha iyo ballaadhinta dugsiga hoose/dhexe, iyo mashruuca baraf kaydiyaha (cold storage) oo muhiim u ah kalluumaysatada iyo ganacsiga deegaanka.

Mashaariicdan ayaa la filayaa inay si weyn uga qayb qaataan horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo kobcinta dhaqaalaha degmada. Lughaya oo ah deegaan leh khayraad badeed oo ballaadhan ayaa si gaar ah uga faa’iidaysan doonta mashruuca kaydinta kalluunka, kaas oo xoojin doona suuq-geynta iyo ilaalinta wax-soo-saarka badda.

Gebagebadii, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ayaa caddeeyay in xukuumaddu ka go’an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isaga oo bulshada ku booriyay inay xoojiyaan nabadda kana shaqeeyaan horumarka guud ee dalka.