Hargeysa-Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ka mid ahaa xubnaha liiska keydka murrashaxiintii Golaha Wakiillada ee Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo xukuumaddiisa.
Dr. Ciise Keyd ayaa la filayaa inuu buuxiyo kursigii Golaha Wakiillada ee uu baneeyey Barkhad Jaamac Batuun, kadib markii Batuun loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.Waraysi uu siiyey warbaahinta dawladda, ayuu Dr. Ciise Keyd ku caddeeyey inuu diyaar u yahay inuu si buuxda ula shaqeeyo xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee WADDANI.
Waxa uu xusay in saldhigiisa siyaasaddeed uu yahay Xisbiga WADDANI, isla markaana ay dadkii soo doortay ka tirsanaayeen isla xisbigaas, sidaa darteedna uu waajib u arko inuu la shaqeeyo hoggaanka dalka.
Dr. Ciise Keyd ayaa sidoo kale tilmaamay in markii uu xisbiga ka tirsanaa loogu yeedhay xil qaran oo muhiim ah, ay waajib ahayn inuu qabto masuuliyaddaas, isagoo xusay in xilalka qaranku ay ka sareeyaan danaha gaarka ah.

