Taliyaha Ilaalada Xeebaha oo la Kulmay Hay’adda EUCAPH.

argeysa-Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Admiral Axmed Hure Haariye ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu saraysa Ha’yada EUCAP oo kamid ah Hay’adaha sida dhow ula shaqeeya Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Kulankan oo saaka ka dhacay Taliska saldhiga 1-aad ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Berbera ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo joogtaynta tababarada ciidanka ee la jaanqaadaya casriga iyo tiknoolajiyada caalamiga ah.

Waxaa kulanka la iskula soo qaaday saaka sidii loo waajihi lahaa wadashaqaynta labada dhinaca ee mustaqbalka dhow iyo xoojinta xidhiidhka dhow ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Hay’adda EUCAP.” Sidaana waxa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL.