Wasiirka Cusub ee Warfaafinta oo ka Hadlay Xilka loo Magacaabay.

Hargeysa-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa Eebe ka baryay inuu ku asturo xilka Wasaaradda Warfaafinta ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u igmaday.

Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay baraha bulshada oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland, waxaannu ka mahadceliyay xilka culus ee loo magacaabay.

“Alxamdulillaah, Ilaahay waxa aan ka rajaynayaa in xilka culus ee Madaxweyne aad ii igmatay uu igu asturo. Ma aha shaqo fudud in aan hoggaamiyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, isla markaana aan ku hadlo afka Xukuumadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo masiirka shacabka,” ayuu yidhi Wasiir Barkhad Jaamac Batuun.