Hargeysa-Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Mudane Maxamed Yuusuf Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dalka Ingiriiska oo booqasho shaqo ku yimid dalka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca, iyadoo sidoo kale si gaar ah looga wada hadlay tababarada iyo horumarinta ciidamada kala duwan ee Somaliland.
Intii uu socday kulanku, labada dhinac ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay wada shaqayn joogto ahi, taas oo door weyn ka qaadan karta xasilloonida iyo horumarka amni ee gobolka.
Sidoo kale, waxa ay is weydaarsadeen mahadnaq iyo bogaadin ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo UK, iyagoo carrabka ku adkeeyay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah.
Ugu dambayn, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la dardar geliyo xidhiidhka iyo wada shaqaynta, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo dhismaha awoodda ciidamada.



