“Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cumar Shucayb, ayaa sheegay in seeraha Banka Aroori ay door weyn ka qaateen badbaadinta xoolaha dalka xilligii abaartii adkayd ee sanadkan.
Wasiirku waxa uu sheegay in ku dhowaad laba milyan oo neef oo xoolo ah ay ka faa’iidaysteen seeraha Aroori, kuwaas oo ka kala yimi gobollada dalka, isla markaana halkaas ka helay daaq iyo biyo ku filan oo ka badbaadiyay xaaladdii abaareed.
Isagoo ka hadlayay muhiimadda seerahaasi, ayuu yiri: “Abaartii sannadkan laba jeer ayay dalka ku dhacday, saddexdii bilood ee ugu dambeeyayna seeraha Aroori waxa galay ku dhowaad laba milyan oo neef oo xoolo ah oo noocyo kala duwan leh.
”Wasiirku waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in seeraha Aroori ay yihiin keyd qaran oo si gaar ah loogu diyaariyey in loo adeegsado xilliyada adag, si loo taageero xoolo-dhaqatada dalka.
Waxa uu intaas ku daray in xoolaha halkaas u yimid ay ka kala yimaadeen meelo fog oo dalka ah, ayna u soo tageen kaliya si ay u helaan badbaado iyo daaq ay hore loogu sii diyaariyey.

