Hargeysa-Warbixin ay baahisay warbaahinta caalamiga ah ee The Africa Plus ayaa si cad u iftiimisay doorka sii kordhaya ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay jihaynta mustaqbalka siyaasadeed ee Afrika, xilli ay 55-ka dal ee qaaraddu dib u eegayaan istiraatiijiyaddooda guud.
Warbixintu waxay Somaliland ku tilmaantay tiir xasillooni iyo lamaane istiraatiiji ah oo aan la iska indho tiri karin, iyadoo muujisay in saamaynteedu ka gudubtay heer maxalli ah una gudubtay miisaan qaaradeed.
Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday in Somaliland ay muddo ka badan 33 sano ku naaloonaysay xasillooni, amni iyo nidaam dimuqraadi ah oo shaqaynaya, taasoo ka dhigaysa tusaale ka duwan jawiga siyaasadeed ee inta badan Geeska Afrika.
Dhismaha hay’adaha dowladeed, joogtaynta doorashooyinka, iyo maamul wanaagga ayaa lagu tilmaamay arrimo sare u qaaday kalsoonida caalamiga ah, isla markaana Somaliland ka dhigay lamaane la isku halayn karo.
Warku wuxuu intaas ku daray in goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo ee Gacanka Cadmeed ayaa sare u qaadaysa qiimaheeda dhinacyada ganacsiga iyo amniga, iyadoo dekedaha iyo marin-biyoodka caalamiga ahi u fureen fursado cusub oo iskaashi.
Warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in iyadoo quwadaha caalamka iyo kuwa gobolku dib u qaabaynayaan siyaasaddooda Geeska Afrika, Somaliland ay si isa soo taraysa uga dhex muuqanayso doodaha waaweyn ee amniga, ganacsiga iyo diblomaasiyadda qaaradda.

