Freddy Eytan oo ka Hadlay Ahmiyadda Aqoonsiga Somaliland.

Hargeysa-Diblomaasi hore oo u dhashay Israel, Freddy Eytan, ayaa sheegay in aqoonsiga Israel ee Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah sugida amniga marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Freddy Eytan waxa uu ugu baaqay Maraykanka inuu ku raaco Israel Aqoonsiga Somaliland, si loo xoojiyo xasilloonida gobolka.

Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), ayaa soo xigatay warbixin ay diblomaasigaas hore ka qoreen warbaahinta Israel oo uu kaga hadlay muhiimada Aqoonsiga Somaliland.

Eytan oo ahaa Safiirkii u horreeyay ee Israel u fadhiyi jiray Murataaniya, ayaa tilmaamay in goobta juqraafiyeed ee ay ku taallo Somaliland ay Israel fursad ay u siinayso ka hortaga khataro uga Iman kara bariga dhexe iyo Geeska Afrika.

Mr. Eytan wuxuu intaas ku daray in ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ahi ay tahay mid leh mudnaan sare, isla markaana iskaashi dhow oo amni iyo diblomaasiyadeed uu muhiim u yahay xakamaynta khatarahaasi.

Sidoo kale, diblomaasigaasi wuxuu ku dooday in Aqoonsiga Somaliland laga faa’iidi doono fursado ganacsi iyo mid amni.