Somaliland oo Dardar Gelisay Xakamaynta Qaaxada.

Hargeysa-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Waaxda Xakamaynta Qaaxada, ayaa iyadoo kaashanaysa hay’adda World Vision qabatay munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay Maalinta Qaaxada Adduunka.

Munaasibaddan waxaa ka soo qayb galay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Samsam Maxamed Saalax, Agaasimaha Guud Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah iyo marti-sharaf kala duwan.

Masuuliyiinta ayaa ka hadlay muhiimadda xuska maalintan, iyaga oo xusay doorka ay ku leedahay wacyigelinta bulshada iyo xoojinta dadaallada lagu xakamaynayo cudurka Qaaxada, iyada oo si gaar ah loo adkeeyey iskaashiga dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo bulshada.

Munaasibaddan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu kordhinayo wacyigelinta, ogaanshaha hore iyo dardargelinta qorshayaasha lagula tacaalayo Qaaxada guud ahaan dalka.