Hargeysa- Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa si cad u xaqiijiyey inuu ka goโan yahay fulinta ballantii uu hore ugu qaaday shacabka, taas oo ah inuu xilka ka degayo marka uu dhammaado muddo-xileedkiisa oo ku eg 31-ka May 2026.
Maayarku waxa uu mar kale muujiyey mowqifkiisa la xidhiidha muddo-kordhinta, isaga oo ku tilmaamay arrin aan dan u ahayn Somaliland, isla markaana uu si joogto ah uga soo horjeeday.
Maayarka Caasimaddu waxa uu tibaaxay inuu rajaynayo in hoggaanka ku xiga uu noqdo mid si daacadnimo ah ugu adeega caasimadda Hargeysa.
Cabdikariim Axmed Mooge ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu bixiyey maanta, isaga oo ku dooday in aanu ahayn masuul ballanta ka baxa, isla markaana uu si sharaf leh xilka ugu wareejin doono marka uu dhammeeyo waajibaadkiisa, isagoo tilmaamay in muddo-kordhintu tahay arrin aan bulshada iyo dalka midna u wanaagsanayn.

