Madaxweyne ku-xigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta salaada ciida ku shacabka kula tukadey garoonka kubada cagta ee Hargaysa oo ay ku tukanayeen kumanaan qof oo ka mida shacabka Hargaysa.
Madaxweyne ku-xigeenka waxaa wehelinayey Wasiirka Madaxtooyada SL, Taliyaasha ciidanka qaranka , Taliyaha ciidanka Asluubta, Taliye ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Md Maxamed Cali Aw-Cabdi oo halkaasi shacabka kula hadlay ayaa yidhi:-” Dhamaan Shacabka JSL waxaan ugu hambalyeynayaa munaasibada Ciidal Fidrida waxaan ilahay inooga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa caafimaad qab nagu gaadhsiiyo, Ilaahay waxa inooga baryayaa inuu raxmaadkiisa inoo inoo shubo…” ayuu yidhi.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝





