Agaasimaha Arrimaha Dibadda oo Qaabilay dhalinyarada SONYO ee meteli doonta Somaliland.

Hargeysa-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay 13 dhalinyarro ah, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Dallada SONYO, Mustafe Dayib, iyo Agaasimaha Dallada, Axmed Maxamed.

Dhalinyartan ayaa meteli doonta Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo ka qayb galaya Shirka Hoggaaminta Dhalinyarada Afrika iyo Diblomaasiyadda, oo sannad kasta ka dhaca caasimadda dalka Itoobiya, Addis Ababa.

Kulankani wuxuu dhalinyarada u ahaa fursad ay ku helaan khibrad hoggaamineed iyo aqoon diblomaasiyadeed, isla markaana ay u gudbiyaan sawirka Somaliland ee heer caalami.