Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Somaliland oo Deeq Waxbarasho loogu Diray Dalka Taiwan.

Hargeysa-Munaasibad lagu sagootinayay saraakiil deeq waxbarasho ka helay dalka Taiwan ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibaddan ayaa lagu sagootinayay toddoba sarkaal oo ka kala tirsan Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Milatariga Somaliland, kuwaas oo u ambabaxaya waxbarasho lagu kobcinayo aqoontooda iyo khibraddooda dhinaca ciidamada.

Xafladda sagootinta ah waxaa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga, Madaxtooyada, Gaadiidka iyo Jidadka, Safiirka Somaliland ee Taiwan, iyo sidoo kale taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Milatariga.

Masuuliyiinta ka hadlay munaasibadda ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursadda waxbarasho ee ay heleen, isla markaana aqoonta iyo khibradda ay ka soo korodhsadaan ugu adeegaan dalkooda, kana qayb qaataan horumarinta iyo tayeynta ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Saraakiishan loo diray waxbarashada ma aha dufcaddii ugu horraysay ee ciidamada Qaranka Somaliland ka hela deeq waxbarasho dalka Taiwan, iyadoo barnaamijyadan waxbarasho ay qayb ka yihiin iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.