Hargeysa-Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabtay kulan afur wadareed ah oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan jaaliyadaha ajaanibta ah ee ku nool dalka.
Kulankan, oo lagu qabtay Taliska Ciidanka Socdaalka, waxaa ujeedadiisu ahayd xoojinta iskaashiga, isfahanka, iyo wada shaqaynta u dhaxaysa ciidanka iyo jaaliyadaha ajaanibta ah.
Masuuliyiin ka socday dowladda, ganacsatada ajaanibta ah, shaqaalaha samafalka, iyo xubno sarsare oo ka tirsan jaaliyadaha ayaa ka qayb galay munaasabadda, taasoo fursad u noqotay in la isku baro, fikrado la is dhaafsado, isla markaana looga wada shaqeeyo amniga dalka.
Taliyaha Ciidanka Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa ka hadlay muhiimadda wada shaqaynta hay’adaha dowladda iyo jaaliyadaha ajaanibta ah, isagoo tilmaamay kaalinta muhiimka ah ee ay jaaliyaduhu ka qaataan horumarinta ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo hawlaha bani’aadantinimo.
Waxa uu sidoo kale ku dhiiri-geliyay dadka ajaanibta ah inay ilaaliyaan nidaamka, shuruucda dalka, iyo dukumentiyada socdaalka.
Kulankan afur wadareedka ah ayaa muujinaya dhaqanka soo dhawaynta iyo wada noolaanshaha ee Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay bulshada caalamka, waxaana lagu soo gaba gabeeyay affur iyo wada sheekaysi dhex maray masuuliyiinta ciidanka iyo martida ka soo qayb gashay.




