Hargeysa-Guddoomiyaha Gobolka Saraar, Cabdirixiin Muxumed Axmed, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay guddida nabadgelyada ee gobolka, iyadoo kulanka ay ka qaybgaleen inta badan taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee ka hawlgala gobolka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkaynta iyo dardargelinta amniga gobolka, gaar ahaan iyadoo lagu jiro maalmaha ka horreeya Ciidda.
Guddoomiyaha iyo xubnaha guddidu waxay isla garteen in la xoojiyo tallaabooyinka lagu sugayo nabadgelyada si loo hubiyo in bulshada ay ku qaabilaan munaasabadda Ciidda jawi amni oo deggan.
Sidoo kale, kulanka waxa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya shacabka iyo ciidamada amniga, iyadoo la isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqayntaas si kor loogu qaado nabadda iyo difaaca xuduudaha gobolka.


