Guddoomiye Ku Xigeenka Baanka Somaliland oo ka Qaybgalay Shir Caalami Ah .

Hargeysa-Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xamse Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa magaalada Kigali ee Rwanda kaga qaybgalay shirweynaha Inclusive Fintech Forum (IFF) 2026 iyo MojaCom 30, isagoo hoggaaminaya wefti ka socda Somaliland.

Shirka ayaa ah madal caalami ah oo looga hadlo horumarinta tiknoolajiyadda maaliyadeed iyo adeegyada maaliyadeed ee loo dhan yahay.

Shirkan ayaa waxa ka soo qaybgalay in ka badan 3,000 oo ergo oo ka kala yimid 80 dal, oo ay ku jiraan masuuliyiin dowladeed, madax bangiyo dhexe, hay’ado maaliyadeed, shirkado tiknoolajiyadeed, iyo khubarro caalami ah.

Ka-qaybgalayaasha ayaa fursad u helay in ay isdhaafsadaan khibradaha, dhiirrigeliyaan iskaashiga caalamiga ah, iyo in la horumariyo nidaamyada maaliyadeed ee dalalka ka faa’iideysanaya tiknoolajiyadda casriga ah.