Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ictiraaftay dawladda Israel oo keliya, ayaa ku dedaalaysa sidii ay u heli lahayd suuqyo caalami ah si dhaqaalaha loo horumariyo.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin dheer oo uu qoray William Wallis oo ka tirsan Wargeyska Financial Times, oo dhawaan Hargeysa yimid, kaasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), waxaanu booqday Wershada Coca-Cola ee ku taala duleedka Hargeysa, Warbixintu waxa ay xustay in Wershadan oo dhiddibada loo taagay 2012kii lagu maalgeliyay $17 milyan, taasi oo ku jirta adkaysiga aasaasaha wershada, Axmed Cismaan Guulle iyo rejadiisa la xidhiidha in maalin aan dheerayn dalkiisa lagu soo dhaweyn doono bulshada caalamka.

Warbixintu waxa ay tibaaxday in Jamhuuriyadda Somaliland qarannimadeeda u soo martay jid dheer, 35 sannadood ayaa Laga joogaa xilligii Somaliland ka soo baxday burburkii oo dib ula soo noqotay madax-bannaanideedii 1991, waxa kaloo ay warbixintaasi bayaamisay in Somaliland ay ku nool yihiin 6.2 milyan oo qof.

iyadoo Dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursadaha maalgashigu xaddidnaayeen sababo la xidhiidhay helitaanka nidaamyada maaliyaddeed ee caalamiga ah. Waxa kaloo warku intaas ku daray in casriyaynta marsada caalamiga ah ee Berbera ay $450 Milyan oo doolar ku maalgelisay Shirkadda DP World.

Warbixintu waxay hoosta ka xariiqay in sannadkii hore JSL ay guul ka gaadhay hanaqashada Aqoonsiga, kadib markii Israel ay ictiraaftay, taasi oo dhalisay rejo qaran oo mug leh.

Financial Times waxa ay xustay in Boqolkiiba 70 dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay xoolaha ay u dhoofiso Khaliijka, Halka lacagaha qurbajoogu soo diraan ay saddex meeloodoow meel ka tahay dhaqaalaha dalka oo ah $4.28 bilyan oo doolar, siday sheegtay Wasaaradda Maaliyaddu.

Warbixintu ay intaas ku ladhay in mas’uuliyiinta Somaliland ay naawilayaan in taageerada Tel Aviv ay dhaliso aqoon ku saabsan beeraha, adeegyada bangiyada iyo awoodda masraxa caalamiga ah.

Waxa kaloo warbixintu werisay in Somaliland ay rejaynayso in dalal kale ay raacaan tallaabada Israel ku aqoonsatay, maadaama oo Somaliland ay haysato qaddiyadeedu dood sharci ah oo ahayd dal madaxbannaan oo xornimadiisa ka qaatay Ingiriiska, isla markaana aan la ansixin midowgii ay la gashay Soomaaliya 1960-kii.

Waxa warbixintu ka warrantay sida Somaliland ay dalkeeda oo ay burburisay Soomaaliya dib ugu dhisatay iyadoo aan wax saacidaad ah ka helin caalamka. “In ka badan 93% dakhliga dawladda Somaliland waxa laga soo saaraa gudaha dalka,” ayaa Lagu yidhi warbixinta oo xiganaysay Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Dekadda Berbera ee dib loo casriyeeyay 2021, waxa hadda shaqaynaysa awoodeeda 25%, sida uu sheegay Cali Diiriye Axmed, Maareeyaha maamulka dekedaha, iyadoo DP World ay ballanqaaday in ay labalaabto cabirka dekadda oo ay gaadhsiinayso awoodeeda 75%,.

“Dekedda Berbera waa xarun ganacsi oo muhiim ah waxayna isu diyaarinaysaa inay noqoto xarun ka shaqeysa sahayda muhiim ah ee gobolka,” ayay tidhi’ warbixinta Financial Times.Ismaaciil Axmed, aas-aasaha Shirkadda World Remit, ayaa sheegay in kasta oo kala wareejinta lacagaha dadka u dhexaysa ay fudud tahay, haddana shirkadaha doonaya inay diraan lacagaha waaweyn aanay fudayn Somaliland.

Aasaasaha Shirkadda Sharaabka Coca-cola Axmed Cismaan Geelle, ayaa sheegay in Somaliland tahay dawlad shaqeynaysa, hase ahaatee aanay jirin caymis adag iyo bangiyo waaweyn oo caalamiya.

Waxa warbixintu xustay Axmed Cismaan Geelle uu Shirkadda Coca-Cola ku qanciyay inay wershadiisa siiso warqad “Aqoonsi ah”.Geelle wuxuu ku dooday inuu maalgashigiisa gaadhsiiyay ilaa £35 milyan, isagoo ku soo kordhiyay wershadaha, caanaha iyo daqiiqda, iyadoo aanay jirin wax deyn ah oo uu qaatay, hase ahaatee lacagahaasi ay ka yimaadeen ganacsiyada qoyskiisa.

Axmed Cismaan wuxuu carrabka ku dhuftay in ujeeddadiisu ugu weynayd tahay abuurista shaqooyin, maadaama oo shacabka Somaliland u badan yihiin dhallinyaro.