Xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada oo ka Wada Hadlay Saamaynta Xiisadda Bariga Dhexe.

Hargeysa-Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ku qabatay kulan ballaadhan oo lagaga hadlayay xaaladda Bariga Dhexe iyo saamaynta ay ku yeelan karto ganacsiga dalka.

Kulanka waxa shir-guddoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Eng. Mohamoud Adan, waxaana ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Ascaarta, Agaasimaha Horumarinta Ganacsiga iyo Maamulka Xafiiska Wasiirka.

Kulanka waxa sidoo kale ka qayb galay Rugta Ganacsiga Somaliland iyo ganacsatada waaweyn ee dalka soo dajisa maciishadaha kala duwan, kuwaas oo ka wada hadlay xaaladda suuqyada iyo sida loo hubin karo joogtaynta sahayda raashinka.

Ganacsatadu waxay kulanka ka caddeeyeen in keyd raashin oo ku filan uu dalka yaallo, isla markaana ay jiraan maraakiib siday raashin oo hadda ku soo socda dalka, kuwaas oo la filayo inay dhawaan soo gaadhaan dekedaha Somaliland.

Ugu dambayn, kulanka waxaa la isku raacay in xukuumadda iyo ganacsatadu si dhow iskula shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo xasilloonida suuqyada iyo helitaanka maciishadda, inta ay socoto xaaladda kacsan ee ka taagan Bariga Dhexe.