Hargeysa-Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa digniin u diray dhammaan muwaadiniinta ku sugan gobollada dalka, iyaga oo ka codsaday inay ka feejignaadaan khataraha badda iyo waxyeellada ka dhalan karta, maadaama la filayo in dad badani u dalxiis tagaan xeebaha inta lagu jiro maalmaha farxadda ee Ciidul-Fidriga.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL ayaa lagu sheegay in gaar ahaan waalidiinta iyo dhalinyarada qorshaynaya inay u safraan xeebaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera, looga baahan yahay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah si looga hortago shilal iyo dhibaatooyin ka dhasha badda.
Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa sidoo kale xusay in badbaadada muwaadiniintu ay tahay masuuliyad wadajir ah, iyaga oo ku boorriyay bulshada inay ka taxaddaraan dhaqdhaqaaq kasta oo khatar gelin kara naftooda iyo kuwa kale marka ay ku sugan yihiin xeebaha dalka.

