Wasaarada Horumarinta Caafimaadka JSL Oo Deeq lacageed ku wareejisay Gudida Heer Qaran Ee Gurmadka Abaahara .

Hargeysa-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qaddar Deeq Lacageed ah ku wareejisay Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, si loogu taakuleeyo bulshada Somaliland ee ay abaaraha sida ba’an u saameeyeen.

Deeqdan Lacageed ayaa ka tarjumaysa dareenka masuuliyadeed ee ay Wasaaraddu ka qaadanayso Gurmadka Qaran ee Abaaraha, iyada oo mudnaanta siinaysa bedbaadinta nolosha bulshada tabaalaysan iyo wax ka qabashada saamaynta ay Abaarahu ku yeesheen qoysaska nugul.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa ugu baaqay Hay’adaha kale ee Dawladda, ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Somaliland in ay ka qayb qaataan gurmadka iyo isku-tashiga Qaran ee lagaga hortagayo xaaladda abaareed ee sii adkaanaysa.