Wasiirka Caafimaadka oo Qalab caafimaad ku Wareejisay Gobolka Awdal .

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xuseen Bashiir Xirsi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaadhay Gobolka Awdal, ayaa Isuduwaha Wasaaradda ee gobolka ku wareejiyey mishiin casri ah oo nooca loo yaqaano, CT Scan, kaas oo loogu talagalay Cusbitaalka Guud ee Boorama.

Mishiinkan ayaa ka mid ah ballanqaadyadii hore ee uu sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Wasiirka ayaa si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda weyn ee mishiinkan CT Scan u leeyahay adeegyada caafimaadka ee gobolka, isaga oo tilmaamay in uu wax weyn ka tari doono baadhista iyo ogaanshaha cudurrada u baahan sawir-qaadista casriga ah, isla markaana uu yareyn doono baahida bukaanada loogu diri jiray meelo kale si loo sameeyo baadhitaanno noocan ah.Sidoo kale, Wasiirku waxa uu xusay in hirgelinta qalabkan caafimaad ay qayb ka tahay dadaallada Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka, isla markaana ay tahay fulinta ballanqaadyadii Madaxweynaha Qaranka ee ku saabsanaa kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka iyo gaadhsiinta qalab casri ah xarumaha caafimaadka ee gobollada.