Caynaba (SOLNA) : – Guddoomiyaha gobolka Saraar, Md. Cabdiraxiim Muxumed Axmed ayaa kulan la yeeshay Isuduwayaasha laamaha Dawlada ee gobolka Saraar.
Shirkan oo Bishiiba laba jeer uu Baadhasaabku la qaato Isu-duweyaasha Wasaaradaha Saraar iyo laamaha kale ee dawladda ee gobolkaas ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa adeega bulsho ee hay’adaha dawliga ah iyo waajibaadka qaran ee masuuliyiinta deegaankaas saaran.
Kulanka ayaa intii uu socday waxa la isla soo qaatay sidii looga qayb qaadan lahaa gurmadka dadka ay saamaynta ba’an ee abaaruhu ku yeesheen, ee Abaarta iyo Biyo la’aanta baahsan ee ka jirta degaanada Gobolka Saraar.
Gudoomiyaha gobolka Saraar, ayaa kula dardaarmay Isuduwayaasha laamaha Dawlada ee gobolka Saraar, in ay sii laban-laabaan hawlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan, iyo in la fuliyo Awaamiirta kasoo baxda dawlada dhexe isla markaana la ilaaliyo Gawaadhida dawlada iyo dayac-tirkooda.


