Waddo Cusub oo 2 km ah oo laga hirgeliyay Tog Wajaale.

Hargeysa-Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Somaliland, Xasan Axmed Ducaale, iyo Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob), ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray waddo cusub oo dhererkeedu yahay 2 km oo ay hirgelisay Degmada Tog Wajaale.

Waddadan ayaa muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga, iyadoo fududayn doonta nolosha bulshada deegaanka.

Maamulka degmada Wajaale ayaa ku booriyay bulshada inay la shaqeyso maamulka golaha deegaanka si horumar dheeraad ah loo gaadho.