Hargeysa-Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u saxeexday qandaraas koronto lagu gelinayo 57 xarumo waxbarasho oo ku yaalla gobollada Maroodi-jeex, Awdal, Togdheer, Saaxil iyo Sanaag.
Mashruucan oo ay maalgelinayso Bangiga Adduunka ayaa lagu rakibi doonaa nidaamyo cadceed (solar) iyo baytariyo, si iskuulladu u helaan koronto la isku halayn karo, tayada waxbarashana loo kordhiyo.
Waxa la qorsheynayaa in waxbarashadu socoto habeen iyo maalinba, iyadoo qandaraaslaha mashruucaasi ballan qaaday in shaqada lagu dhammayn doono waqtigeeda isla markaana tayada la ilaaliyo.



