Kooxdii ka socotay Somaliland oo Israel loogu soo Gabogabeeyay Tababarkii maareynta Biyaha.

Hargeysa-Waxa si rasmi ah u soo gabagaboobay tababarkii ay 25 xubnood ee ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ugu joogeen dalka Israel, kaas oo ay ku baranayeen maamulka iyo horumarinta biyaha.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda MATC MASHAV Agricultural Training Center ayaa diiradda saarayay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha la xidhiidha maaraynta biyaha iyo adeegyada biyaha ee casriga ah.

Muddadii uu socday tababarku ka qaybgalayaashu waxay barteen casharro iyo tababaro ku saabsan farsamooyinka cusub ee lagu horumariyo maamulka biyaha.

Sidoo kale, waxaa la geeyey qaar ka mid ah wershadaha ugu waaweyn ee dalka Israel iyo xarumo casri ah oo lagu nadiifiyo biyaha, si ay si toos ah uga bartaan hababka farsamo iyo maamulka ee lagu hagaajiyo adeegyada biyaha.

Aqoonta iyo khibradda ay halkaas ka soo korodhadeen dhalinyaradan ayaa la filayaa inay wax weyn ka tari doonto dedaallada lagu xoojinayo baahida biyaha ee Somaliland, taasi oo gacan ka geysan doonta horumarinta adeegyada biyaha ee dalka.

Waxaa sidoo kale mahad gaar ah loo jeedinayaa hay’adda MATC – MASHAV Agricultural Training Center, gaar ahaan Ambassador Elen iyo kooxdeeda, oo door muhiima ka qaatay hirgelinta tabobarkaas casriga ah.