Selel – Guddoomiyaha Gobolka Selel, Axmed Cabdillaahi Maxamed, ayaa maanta ka hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in maamulka gobolka iyo guddida nabadgelyadu ay bulshada ku dhaqan Gobolka Selel ku wargelinayaan in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta amniga, isla markaana ay muhiim tahay in degmooyinka iyo deegaannada kala duwan ee gobolka ay ka qayb qaataan xasiloonida iyo wada shaqaynta laamaha amniga.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay bulshada gobolka inay si nabad ah ugu gudaan hawlahooda maalinlaha ah iyo cibaadada bisha Ramadaan, isagoo xusay in maamulka gobolku ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale digniin u diray dadka ku lug leh ama isku dayaya inay waxyeeleeyaan amniga gobolka, isagoo sheegay in cid kasta oo falal nabad-darro ku kacda lala tiigsan doono sharciga.
Ugu dambayn, guddida nabadgelyada gobolka ayaa soo saartay qodobbo lagu adkaynayo amniga, kuwaas oo ay ka mid yihiin:*In aan la oggolayn in hub lagu dhex qaato gudaha magaalada Karin, isla markaana cid kasta oo lagu qabto tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
*In aan la qaban karin xaflado amniga wax u dhimi kara.
*In shaqaalaha ku milma reeraha ama bulshada ay u hoggaansamaan shuruucda amniga ee la dejiyey.
*In cid kasta oo ku lug yeelata falal lid ku ah nabadgelyada gobolka sharciga la horgeyn doono.

