Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Qaranka iyo ka Shacabka JSL waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Haween Weynaha Sharafta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland Xuska Munaasibadda Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da March.
Madaxweynuhu waxa uu si aan mugdi ku jirin u qirayaa doorka lama illaawaanka ah ee ay Haweenka Somaliland ku leeyihiin dhismaha nabadda, adkaynta wadajirka bulshada, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta waxbarashada, iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda ee dalkeenna.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in halgankii dib-u-dhiska Qaranka, dhismaha Hayโadaha Dawliga ah iyo horumarinta bulshada ay Haweenka JSL ka qaateen door muhiim ah oo taariikhda ku suntan.
Madaxweynuhu waxa uu Haweenka Somaliland mar kale u xaqiijinayaa in ay Xukuumaddiisa ka goโan tahay xoojinta kaalinta ay ka Haweenka ee hannaanka Dawladnimada iyo dhammaan fursadaha horumarineed ee ka jira dalkeena.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu mar kale hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan Haweenka Somaliland gudaha iyo dibaddaba, isaga oo ku ammaanaya geesinimadooda, dedaalkooda iyo kaalintooda muuqata ee ay ku leeyihiin jiritaanka, nabadda iyo mustaqbalka ifaya ee uu Qarankeennu hiigsanayo.

