Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland oo Qaabilay Mas’uuliyiin ka Socday ActionAid.

Hargeysa-Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqaadir Ismaaciil (Jaylaani), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mohamed Sillah oo ah Madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee ActionAid, iyo Farhan Omar oo ah Madaxa Mashaariicda hay’adda.

Kulanka ayaa ahaa mid isbarasho iyo wada-tashi ah, waxaana diiradda lagu saaray sidii Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland iyo Hay’adda ActionAid u xoojin lahaayeen iskaashi ku aaddan horumarinta iyo taageeridda fursadaha dhallinyarada Somaliland.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay abuurista barnaamijyo iyo mashaariic si toos ah u taageera kobcinta kartida dhallinyarada, isla markaana u fura fursado shaqo iyo horumar bulsho.