Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyadda oo Furayo Tababar.

Hargeysa-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ๐Œ๐. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐š๐ฅ๐ž๐ž๐›๐š๐š๐ง, ayaa u furay tabobar hawlwadeenada ๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐จ๐ ๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š.Tabobarkan oo socon doona ๐ฆ๐ฎ๐๐๐จ ๐ฅ๐ข๐ฑ ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐š๐ก, waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa kor-u-qaadista aqoonta iyo xirfaddaha war-isgaadhsiinta, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Hab-qoraalka wararka rasmiga ah, maaraynta xogta iyo macluumaadka, xidhiidhka warbaahinta, adeegsiga aaladdaha casriga ah ee isgaadhsiinta iyo xoojinta anshaxa iyo hufnaanta gudbinta farriimaha hayโ€™adda.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in tabobarkani yahay tallaabo istaraatiiji ah oo qayb ka ah barnaamij ballaadhan oo Wasaaraddu ku horumarinayso kartida shaqaalaheeda, si ay u noqdaan kuwo la jaanqaada baahiyaha casriga ah ee maamulka dawliga ah, isla markaana sare-u-qaada tayada adeegga dadweynaha iyo muuqaalka hayโ€™adda.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa ku boorriyey ka-qaybgalayaasha in ay si buuxda uga faaโ€™iidaystaan tabobarka, una beddelaan aqoonta ay helaan ficil wax ku ool ah oo ka tarjumaya hawl-maalmeedka Waaxda, taas oo wax ka tari doonta xidhiidhka bulshada iyo Wasaaradda.