Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, oo ay weheliyaan shirkadaha shidaalka ee Genel Energy iyo OPIC-CPC Taiwan, ayaa 10,300 booyadood oo biyo ah ku wareejiyey Guddida Abaaraha Heer Qaran.
Deeqdan ayaa loogu talo galay in lagu taageero bulshooyinka ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Saraar, halkaas oo ay shirkadahani ka wadaan hawlaha sahminta iyo soo saarista shidaalka.
Qaybinta biyaha ayaa waxaa fulin doonta hayโadda waddaniga ah ee ACRIF, iyadoo mudnaanta la siinayo deegaanada ay abaaruhu sida baโan u saameeyeen.
Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa iskaashiga ka dhexeeya dawladda iyo shirkadaha maalgashiga, si wax looga qabto xaaladaha biniโaadantinimo ee ka dhashay abaarta, loona garab istaago bulshada nugul.


