Tehran- Warbaahinta dawladda Iiraan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida Hoggaamiyihii Sare ee dalkaas, Ayatollah Cali Khamenei, kaddib duqeymo wadajir ah oo Maraykanka iyo Israaโiil ay ka fuliyeen gudaha Iiraan.
Telefishinka qaranka ee Iiraan (IRIB) ayaa saaka waaberigii ku dhawaaqay in Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan uu gaadhay shahiiday, iyaga oo ku sifeeyey mid uu naftiisa ugu huray qarankiisa.
Wakaaladda wararka ee Mehr, oo ku xidhan dawladda Iiraan, ayaa iyaduna sheegtay in Khamenei ahaa โcaalim weyn iyo mujaahid,โ kuna daray in uu naftiisa u huray kor u qaadista Iiraan.
Dawladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalmood oo baroordiiq qaran ah, taas oo la filayo in guud ahaan dalka laga dareemo, iyadoo callanka dalkaasna hoos loo dhigi doono.
Ku dhawaaqista geerida Khamenei ayaa imanaysa kaddib markii Maraykanka iyo Israaโiil ay sheegeen in Hoggaamiyaha Sare lagu dilay duqeymo culus oo wadajir ah oo ay ku beegsadeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iiraan.
Labada dal ayaa hore u shaaciyey in hawlgalladaasi ahaayeen kuwo istiraatiiji ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah.Geerida Ayatollah Cali Khamenei ayaa la filayaa in ay si weyn u beddesho jihada siyaasadda gudaha Iiraan iyo saameynta ay ku leedahay gobolka Bariga Dhexe, iyadoo indhaha caalamku hadda ku sii jeedaan cidda beddeli doonta jagada ugu sarreysa hoggaaminta dalkaas.

