Afhayeen Xuseen Deyr”Xidhiidhka Somaliland iyo Israel waa mid ka Mug Weyn Astaan Diblomaasiyaddeed”.

Hargeysa-Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa shaaciyay in aqoonsiga ay Dawladda Israel siisay Somaliland 26-kii December 2025 uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo aan keliya ahayn astaan diblomaasiyadeed, isla markaana uu ka tarjumayo isbeddelka miisaanka juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ee X (Twitter), oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayuu Afhayeenku ku caddeeyay in aqoonsigani uu sare u qaadayo maqaamka caalamiga ah ee Somaliland, isla markaana uu furayo bog cusub oo iskaashi ballaadhan oo ku saabsan ganacsiga, tiknoolajiyadda, tamarta, biyaha, beeraha iyo amniga oo ay yeellanayaan labada dal.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Israel ay Somaliland u aragto xulafo istiraatiiji ah oo ku yaalla mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan caalamka, taas oo xoojinaysa iskaashiga amni iyo xidhiidh diblomaasiyaddeed oo qoto dheer oo ka hirgala mandaqada Geeska Afrika.

Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu hoosta ka xariiqay in iskaashigani yahay mid ku dhisan dan wadaag, xasillooni, madaxbannaani iyo aragti istiraatiiji ah oo mideysan, kana hirgeli doona gobol leh muhiimad juqraafi-siyaasaddeed oo sare.