Hargeysa-Safiirka cusub ee Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Israel, Danjire Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in xilkiisu aanu ku koobnaan doonin oo keliya Israel, balse uu ka hawlgeli doono dalal kale oo kala duwan.
Danjiraha ayaa uga mahadceliyey shacabka Somaliland iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kalsoonida ay siiyeen, isagoo xusay in magacaabistiisu tahay mid leh awood buuxda oo u saamaxaysa inuu albaabo cusub u furo Somaliland.
Waxa uu tilmaamay in hawlgalkiisu ku salaysnaan doono aragti fog iyo himilo qaran oo lagu ballaadhinayo saameynta iyo joogitaanka Somaliland ee fagaarayaasha caalamiga ah.Safiirku waxa uu ballanqaaday inuu ku shaqeyn doono daacadnimo, karti iyo go’aan adag, isaga oo mudnaanta siinaya xoojinta iyo qotodheereynta xidhiidhka Somaliland iyo Israel, si uu u noqdo mid istiraatiiji ah oo waara, kana dhasha iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, diblomaasiyadda iyo horumarinta.

