Addis Ababa-Safiirka Israel u Fadhiya Itoobiya, Alelign Admosu, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dalkiisu noqdo waddankii u horreeyay ee aqoonsaday madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay dal dimuqraaddi ah oo u janjeedha dhinaca reer galbeedka.
Danjire Alelign Admosu wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay ahayd dal madaxbannaanidiisa la soo noqday 35 sannadood ka hor, oo gaarkiisa isu bixiyay, waxaanu tibaaxay inay leeyihiin dawladnimadooda, Goleyaal baarlamaan iyo ciidammo millatari.
Safiir Alelign Admosu wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu u warramayay idaacadda dunida la hadasha ee BBC-da, waxa kaloo uu caddeeyay in Israel 55-ka dal ee midowga Afrika, ay 45 waddan oo ka mid ah la leeyihiin iskaashi ballaadhan.

