Wasiir Ku-xigeenka Maalgashiga oo Baaq Nabadeed u Diray Deegaanka Shidan.

Hargeysa – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Wershadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Maxamed Cilmi Xuseen (Huunno), ayaa baaq nabadeed u diray bulshada ku dhaqan deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag, halkaas oo ay dhawaan ka soo cusboonaadeen shaqaaqo sababtay khasaare naf iyo maalba leh, xilli lagu jiro bil leh xurmo iyo qiime gaar ah.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa si adag u muujiyey in colaadu aanay xal u ahayn khilaafaadka jira, isla markaana shaqaaqadu aanu dhisin mustaqbalka jiilasha soo koraya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in nabaddu tahay tiirka horumarka iyo wada noolaanshaha bulshada, isaga oo xusay odhaahdan: “Dagaal wiil baa ku dhintaa, wiilna kuma dhasho, gogosha raguna waa nabadda.

”Sidoo kale, Wasiir kuxigeenku wuxuu ugu baaqay odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada, hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka inay qaataan kaalintooda hoggaamineed ee ku wajahan daminta colaadda, xoojinta wada hadalka, iyo soo celinta xasilloonida deegaanka.

Gabagabadii, Wasiir Ku-xigeenku wuxuu tilmaamay in nabaddu tahay laf-dhabarta nolosha qaranka, ayna waajib wada saaran ku tahay dhammaan bulshada ilaalinteeda iyo adkaynteedaba.